Qarax Kadhacay Caawa magaaalada Mqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Gaari oo  ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Tarabuushka.

Sidda ay warbaahinta  u xaqiijiyeen dadka degaanka gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa lahaa  sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Qaraxaasi Sarkaalkii gaariga lahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Adow , waxaana la sheegay in uu gaariga qarxay xilli uu socday.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka Sarkaalka iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa.