Qarax Kadhacay Jubbada Hoose iyo Khasaara Ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Qaraxaas ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu ka dhacay deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in uu qabsaday Gaari ay wateen dad Shacab ah.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa deegaanka Taabta ku socdaalayay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, hayeeshee gaari nooca Soomaalida u taqaano Hoomeyda uu Khudaar siday kana horeeyey Gawaarida ciidamada Kenya uu qaraxa ka qabsaday qeybta dambe, isla markaana 4 Ruux oo gaarigaas saarneyd laba ka mid ah uu dhaawac fudud soo gaaray.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxa ay shegayaan in Ciidamada Kenya ay Gaariga khudaarta siday ay ku amreen in  uu wadada uga sii hormaro, iyaga oo shaki ka qabay in wadadaas ay Al-Shabaab miinooyin ku aaseen sida ay dhowr mar dhacday.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay deegaanka Taabta naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay wadeen ilaa xalay howlgal miino baaris ah maadaama wadada ka baxda deegaanka taabta, isla markaana aada deegaanada kale ay mar walba marin u tahay.

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas lagu weeraray Gawaarida Ciidamada Kenya, balse Gaariga dadka Shacabka ah ay wateen uu qabsaday, in kastoo khasaaro weyn uusan geysan qaraxaas.