Qarax kadhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Soos ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax xooggan lala eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwo AMISOM,waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in Qaraxa ka dib ay fureen Xabado, waxaana la sheegay in ku dhawaad 4 qof ay ku dhinteen.

Xaalad kacsan ayaa ka taagan goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in  mid ka mid  gawaarida Ciidanka AMISOM uu soo gaaray burbur.