Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Hiliwaa

Laba qof oo dad rayad ah ayaa ku geeriyootay Bam-gacmeed Galabta lagu tuuray Goobo ganacsi oo uu dab qabsaday Xaafadda Suuqa Xaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa SONNA, u  sheegay goobo ganacsi oo uu dab qabsaday ay damiyeen Kooxaha Dabdamiska Gobalka Banaadir.

Col Bishaar ayaa xusay in markii dabka la damiyay kadib Bam-Gacmeed lagu tuuray Goobtii uu dabku ka kacay, halkaasina ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Saney ayaa tilmaamay in la baarayo Sababta uu ka dhashay dabka, balse loo maleynayo uu ka billowday Koronta ka kacday dukaanka lagu iibiyo qalabka elektaroonigga.