Qarax la la Eegtay Ciidamo katirsan AMISO

Wararka aan ka heleybo Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay qarax miino ah oo lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay wadada xiriirisa Awdiinlle iyo Bardaale.

Sidoo kale mid kamid ahaa gaadiidka ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu haleelay qaraxa,waxaana intaasi xiday dagaal saacado qaatay oo dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamadaas.

Ugu yaraan 11 Askari oo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Qaraxa,isla markaana waxaa ku dhaawacmay tirro kale oo Ciidan ah,kuwaasi oo loo qaaday dhanka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay wadada xiriirisa Awdiinlle iyo Bardaale ee Gobolka Baay,waxaana ay sheegteen inay halkaasi ku dileen 11 Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Inta badan Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan oo geysta Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa ay ku qaadaan Kolonyada ay la socdaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya xiliyada ay ku socdaalayaan Gobolada dalk