Qarax Lagu Dilay Ciidamo Katirsan dowlada Oo Ka Dhacay Duleedka Balcad

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wax ay sheegayaan in goordhow qarax uu ka dhacay duleedka degamadaas.

Qaraxas ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,isla markaana lala eegtay gaari uu la socday Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo ka tegay degmada Balcad kuna sii jeeday Magalada jowhar.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay warbaahinta  u sheegeen in Gaariga uu la socday Sarkaalka ay miinada la qaraxday xilli uu marayey Buundada Ilbiq oo u dhow Tuualda Gololeey ee degmada Balcad Gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa Saddex Askari oo la socotay gaariga ay miinada qabsatay ay geeriyoodeen halka uu dhaawac soo gaaray Sarkaalkii gaariga watay oo Magaciisa lagu sheegay Cali xuubeey.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay oo aheyd goobta dhawan lagu weeraray Ciidamo ka tirsan AMISOM,sidoo kale lagu dilay xildhibaano ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle.