Qarax lala Eegtay Ciidamada itoobiya

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax ciidamada Itoobiya lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo sidoo kale degmada Bardaale sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dadka ayaa xaqiijiyay qarax miino oo ciidamada Itoobiya lala eegtay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii gaari noociisa uu yahay Uuraal uu qabsaday qaraxa.

Waxa ay sheegayaan dadka degaanka ciidamo gaaraya illaa Shan askari inay ku dhinteen qaraxaasi miinada oo bur bur xooggan gaarsiiyay gaarigii uu qabsaday qaraxa.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sidoo kale ciidamada Itoobiya ay jiraan dhaawacyo kala duwan oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Al Shabaab oo ka dambeysay qaraxa ayaa sheegatay inay dileen askar badan oo Itoobiyan ah oo la socday gaariga Uuraalka ah ee qaraxa uu qabsaday.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku safra degaano ka tirsan Gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin, iyadoo xilliyada qaar ay dhacaan qaraxyada noocaan oo Shabaab ay u dhigaan ciidanka.