Qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan  qarax miino oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiya ee ka hawlgala Gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in uu jiro Khasaare soo gaaray Ciidanka dowladda Itoobiya ee Qaraxa lala beegsaday.

Qaraxan ayaa Ciidamada Itoobiya waxaa lagula eegtay degaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Baledweyne, halkaasi oo ay marayeen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamada qaraxaan lala eegtay ayaa ku sii jeeday gudaha dalka Itoobiya, waxayna markii hore ka soo ambabaxeen Magaalada Buulo burde iyaga oo muddo wadada ku sii jiray.

Al Shabaab ayaa wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda waxa ay u dhigaan qaraxyada Miinooyinka ee waxyeelada gaarsiiya Ciidankaasi.