Qarax lala eegtay Gaari Amisom

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Duhurnimadii maanta lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah kolonyada Ciidanka AMISOM, xilli uu marayay degaanka Il-baq oo ku yaalla duleedka magaalada Balcad, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Qaraxa kadib rasaas Ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM ayaa la sheegay inay fureen rasaas, taasi oo ay kaga jawaabayeen qaraxa Miinada ah ee lala eegtay, inkastoo rasaastaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana warar horudhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in Qaraxan uu khasaare ka soo gaaray Ciidanka AMISOM.

Ciidamo Soomaali ah ayaa la socday ciidanka AMISOM xilliga qaraxaan lagula eegtay inta u dhaxeysa degaanada Haansheekh iyo Golaley oo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobta Qaraxa lagula eegtay Ciidanka AMISOM meel aan sidaas uga fogeyn waxaa saakay aroortii qarax lagula eegtay Gaari Dheyno ah oo ay saarnaayeen laba qof oo shacab ah, Darawalkii Gaariga kaxeynayay ayaa geeryooday.

Dadka ku nool degaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhibaato adag ku qaba, xilliyada ciidamada AMISOM qaraxyada lala eegto, waayo waxa ay dhib kasoo gaarta rasaasta ciidamada AMISOM ay furan.

Inta badan ciidamada Al-Shabaab ayaa qaraxyada noocaan oo kale ah u dhiga kolonyada gaadiidka AMISOM ee wadadaasi ku safra, weli maamulka Hirshabeelle lama uusan imaan talaabo cad oo uu wax kaga qabanayo dhibaatada ka taagan wadadan.