Qarax Miino Oo Kadhacay Degmada Walan Weyne

Wararka inaga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay qarax Miino oo si aad ah looga maqlay guud ahaan degmada.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, inkastoo markii gaariga uu gudbay dhacay qaraxa.

Goobta qaraxa uu ka dhacay oo ah Aargada Muuri ee degmada Wanlaweyn ayaa waxa ay tahay goob aad u mashquul badan, waxaana halkaasi lagu iibiyaa Qaadka, sidoo kale waxaa ku yaalla goobo ganacsi.

 Wariyeyaal ku sugan degmada Wanlaweyn oo  soo xiganaya ilo xog ogaal ah oo dhinaca Millitariga ah ayaa Idaacadda Radio galgaduud u sheegay in uu jiro khasaare dhjimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah.

Qaraxa kadib waxaa aad u adkaaday adeegga Isgaarsiinta, goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Masuuliyiinta degmada oo uu ugu horeeyo Guddoomiye kuxigeenka degmada Wanlaweyn iyo saraakiil Ciidan.