Qarax Xoogan Iyo Rasaas Laga Maqlay Muqdisho

Qarax xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa goordhow waxaa laga maqlay Magalada Muqdisho.

Uuro iyo qaac ayaa circa isku-shareeray,kuwaas oo laga arkayo qeybo badan oo ka mid ah Muqdisho,waxana weli dhaceysa rasaas xooggan.

Weli sicad looma haayo halka la weeraray,waxana wararka qaar ay sheegayaan in uu ka dhacay agagaarka Beerta Nabada oo u dhow Hotelka SYL ee Muqdisho.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa markale la amqlay qarax xooggan,waxana mararka qaar la maqlayaa jug u eg bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro.