Qaraxii ka dhacay Duleedka Muqdisho+SAWIRRO:

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaare geystay oo maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Siinka dheer.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay Qaraxaasi, kuwaasoo oo la sheegay in wadeen gaariga Qarxay.

Gaariga ayaa ku qarxay meel ay ku yaallaan Guryo Jiinkado ah, waxaana qaraxaasi uu sababay Burbur xooggan

Gaarigaan ayaa ku qarxay wado qardo jeex oo uu doonaayay inuu ka soo galo Magaalada Muqdisho, isaga oo rabay inuusan soo marin Koontaroolka Siinka dheer ee gaadiidka xamar soo gala lagu baaro sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Hoos kadaawo sawirasda qaraxa