Qaraxyo Ismiidaamin ah oo saaka aroortii hore ka dhacay D/Maxaas ee G/Hiiraan.

Wararka aan ka heleyno D/Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore qaraxyo Ismiidaamin ahaa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamadda dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka ee Macwuusleyda.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay iney ahaayeen kuwo si aad u culus kuwaasi oo gilgilay Degmada iyo Degaanada kale ee dhow, iyagoo dhaliyay khasaare iskugu jira dhimashl iyo dhaawacba, walow aan la ogaan wali tirada saxda ah ee dadka wax ku noqday.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gawaarida qaraxyada loo adeegsaday gaari nuuca loo yaqaan saarufta oo ka yimaadeen dhinaca Deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, iyagoo si gaar ah ay u beegsadeen fariisimihii ciidamadda.

Goobjoogayaasha waxey sidoo kale sheegeen in qaraxyadan lala beegsaday maqaaxi lagu qaxwweyo iyo goobo ganacsi.

Sawirran laga soo qaaday goobaha la bartilmaameedsaday ayaa muujinaya bur bur xooggan oo qaraxyada ay sababeen, waxaana dhismayaasha qaar ay noqdeen kuwo si aad ah u bur bursan oo aad moodo in meel banaan ay eheyd goobta.

Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkaan in ay ku dileen Kontomeeyo ka tirsan ciidamadda dowladda iyo Macwisleyda, iyadoo kooxdan ay hore qaraxyo uga fulisay degmooyinka kale ee gobolka sida Jalalaqsi, Buula-burde iyo Bekedweyn