Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa goor dhow ka dhacay degmada Shangaani gaar ahaan Agagaarka Isgoyska Jubba.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah Mid muhiim ah, waxaana ku yaalla Wasaarado ay ka mid yihiin Wasaaradda Howlaha Guud, Shaqadda iyo Shaqaallaha iyo Taliska qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.
Waxaa sidoo kale goobta ku yaalla Maqaayado iyo Hoteello.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay Wasaaradda Shaqadda iyo shaqaallaha, waxaana warar qaar ay sheegayaan in Koox hubeysan ay gudaha u galeen.
Qaraxa oo ahaa Mid xoogggan wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.