Qaraxyo Xoogan Laga Maqlay Magaalooyin Ka Tirsan Dalka Nigeria

Wararka ka imanaya waqooyi bari waddanka Nigeria ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas culus ay dadka rayidka ah ay caasimadda gobolkaasi ee Maiduguri ay halkaasi ka maqli karaan.

Ila wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in milateriga waddankaasi uu bannaanka magaalada kaga hortegay tira badan oo ah maleeshiyaad loogaga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalyahannada Boko Xaraam.

Dagaalyahannada Boko Xaraam ayaa qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerraro gaadma ah oo teel teel ah waxa ay ka gaystaan magaalooyinka gobolka waqooyi bari ee Nigeria.

Bishii hore ayey aheyd markii maleeshiyaadka Boko Xaraam ay si is afgarad ah ku soo daayeen gabdho iskuuley ah oo ah ka afduubteen magaalada Dapchi, kuwaas oo intooda dib ula midoobay qoysaskooda.