Dagaalkii Maanta ka Dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud una Dhaxeeyey Ciidamada Dowlada iyo Ciidamada Ahlusuna ayaa waxaa ka dhashay qasaaro iskugu jira Dhimash iyo Dhaawac iyo waxa gubtay sidoo kale waxaa gubtay goobo Ganacsi.
Inta la xaqiijiyey Dagaalkii maanta Guriceel waxa ku dhintay 5 Ruux oo laba ka Mid ah ay Shacab yihiin, Sidoo kale waxaa ku dhawacmay 12 Ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin Shcab halka 8 kale ay yihiin dhinacyadii dagaalmayey.
Taliyaha Nabad sugidda Guriceel Max,ed Gaanyac ayaa u Sheegay Radio Galgaduud in ay xaalada Degmada ay hadda mid dagan ayna gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Somaliya.
Waxaa jira Dad shacab ah oo ka barakacay guryahooda oo ku dhawaa goobta Dagaalku ka dhacay kuwaa oo u barabaxay Duuleedka Degmadda Guriceel