Qasaare ka dhashay meelo ay ku dhaceen hoobiyaal magaalada muqdisho.

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay magaalada Muqdisho, kuwaas faahfaahin hordhac ah laga helayo khasaaraha ay geysteen iyo goobaha ay ku dhaceen.

Sida aan ka soo xiganay saraakiil amni afar Hoobiye ayaa laga soo tuuray aagga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn.

Kan labaad waxaa la sheegay inuu ku dhacay aagga xarunta NISA ee Habar-Khadiijo oo aan ka fogeyn xero Gaadiid, isla dehmada Cabdicasiis, faahfaahina lagama helin khasaaraha uu geystay.

Midka saddexaad ee la ogaaday halka uu ku dhacay ayaa la xaqiijiyey inuu ku soo dhacay degmada Boondheere, gaar ahaan meel banaan ah, wax khasaare ahna ma geysan.

Ciidamada ammaanka ayaa deg deg ugu baxay goobihii loo maleynayey in laga soo tuuray hoobiyeyaasha, waxayna ku guuleysteen inay 4-taas ku ekaadaan, in kastoo aan weli lagu guuleysan soo qabashada raggii weerarkaas geystay.