Qasaare Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Dad Shacab Ah oo Ku Sugnaa Gobolka Mudug.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu laayay dad shacab ah oo mar kale ka dhacay gobolka Mudug.

Weerarkan oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay ka dhacay agagaarka degmada Saaxo ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday dad isku qoys ahaa.

Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay weerarkan, halka lagu dhaawacay 6 kale, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lixda kale waa dhaawac waa caa’ilada hoose gaari ayay saarnaayeen, waana arrin naxdin leh”.

Maalmo kahor ayay ahayd markii dhacdo tan oo kale ay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, taas oo lagu dilayAabe iyo Wiilkiisa, sidoo kalena lagu dhaawacay hooyadii qoyska, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan.