Wararka hordhaca ayaa waxay sheegayaan inay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab weli ka dhex dagaalamayaan Dhismaha Hotelka Dusit complex oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Dagaalamayaasha Alshabaab waxay galabnimadii shalay weerar ku biloqday qaraxyo ku galeen Dhismaha Hoteelkaasi oo ka kooban 7-dabaq, isla markaana ay ku yaallaan dhismo Xafiisyo ay leeyihiin Hay’addo Caalami ah.
Ciiddanka Khaaska ee Milliteriga iyo Boliska Kenya ee GSU iyo kuwo Caddaan oo ay ku jireen Maraykanka iyo British ayaa ka qeyb galay Hawlgalka lagu samata-bixinayey dadkii ku go’doomay dhismaha Hotelka Dusit complex.
Tirada Dagaalamayaasha Alshabaab ee gudaha u galay Hotelkaasi ayaa waxay wararku sheegayaan inay ilaa 6 qof yihiin, inkastoo Muuqaal ay Kameerooyinka Qarsoon (CCTV)ee ku rakiban nawaaxiga Hotelkaasi laga arkayey 4 Dagaalame oo orod kaga gudbayey Barxadda gaadiidka la dhigto ee Hotelka abaarihii 3-dii iyo barkii galabnimo ee shalay.
Ciiddanka Kenyanka iyo kuwa shisheeyaha waxa la sheegay inay weli ku jiraan Hawlgalka aroornimadii sakaayto, inkastoo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Fareed Matiyaani xalay abaarihii 11-kii fiidnimo sheegay in ay ciiddanka la wareegeen dhamaan dhismaha Hotelka la weeraray.
Balse, wax yar kadib, hadalkiisa waxaa rasaas laga maqlayey gudaha Hotelka, iyadoo Korantadii laga wada jaray Hotelkaas.
Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacinin tirada guud ee dadka ku geeriyooday Weerarkaasi, haddana warar hordhac ayaa xaqiijinaya in 15 qof lagu dilay Iska horimaadka weli ka socda Hotelka Dusit complex ee magaalladda Nairobi