Qasaaro Kadhalatay Roobab Duufaano wata oo ka Da’ay Puntland

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Puntland, laba qof ayaa ku dhimatay mid kalena waa la’yahay, kadib markii gaari nuuca raaxada oo ay ku wateen meel u dhaxeysa Boosaaso iyo Garowe uu ku helay roob wata Duufaano.

Raggan geeryooday ayaa shalay gelinkii dambe ka baxay magaalada Garowe, waxayna ahaayeen 5 nin balse wadada ayaa waxaa ku helay Duufaano, laba nin ayaa geeryootay, laba kalena iyaga oo xaaladooda ay daran tahay ayaa howlgal lagu soo saaray, halka mid kalena ilaa hadda la’yahay.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Carmo ayaa waxa uu sheegay in tog weyn uu ku soo fatahay meel aan sidaas uga fogeyn degmada, midaasina ay sababtay in ay wadada ku xayirmaan gaadiid ka badan 500.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo saakay ka billowday xeebaha Puntland, gaar ahaan Sanaag iyo Heyland.