Qatar Oo Kafaalo Qaaday Nololsha Caruurtii Ku Agoontoowday Qarixii Soobe

Dowladda Qatar ayaa maanta kafaalo Qaaday 350 Kamid ah Caruurtii ku agoontoowday Xasuuqii ka dhacay sandkii hore Isgoyska Soobe  ,kadib munaasabad ay ka qeybgaleen Wasiirro,Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuxigeenka safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya taasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

C/nuur Xaaji Cali Mursal oo ah madax Hay’adda Qatar ee Soomaaliya ayaa goobta ka faah faahiyay daryeelka nololeed oo ay dowladda Qadar u fidinayso agoontani.

“Hay’adda Qadar Charity halkaasi ugama harin howlihii gurmadka Qarixii Soobe,500 oo caruur ah ayay horey u kafaalo gaaday,kuwaasi oo kamid ah agoontii 14 October,waxaan maanta halkani aan u joognaa in aan siino lacagihii loo balanqaaday agoontaasi ,sidoo kale waxaan u sameyndoonaa daryeel nololeed waxbarashadooda,caafimaadkooda,ilaa ay ka qaan gaaraan hadii ay weynaadaan waxaan u raadinaynaa waxbarasho Jaamacadeed”.Ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali