Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Real Madrid & Getafe Ee Kulankii Ay Los Blancos Guusha Ku Gaadhay Bernabeu-Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka?

Real Madrid ayaa guul 3-1 ah ka gaadhay toban ciyaartoy oo kooxda Getafe ah waxayna kooxda Zinedine Zidane jawaab fiican ka bixisay guuldaradii kulankii Espanyol si ay iskugu sii kululayso kulanka sida wayn loo sugayo ee ay PSG kula ciyaari doonto caasimada dalka France ee Paris. Cristiano Roanaldo ayaa laba gool kulankan ka dhaliyay halka Gareth Bale uu goolkii furitaanka dhaliyay si uu Zidane uga raadsado kalsooni uu kulanka PSG ugu soo bilaabi karo.

Real Madrid ayaa hadda si buuxda dareenkeeda ugu soo jeedinaysa kulanka lugta labaad ee UEFA Champions League lugtiisa labaad ee wareega 16ka kooxood kadib markii ay saddexda dhibcood ka reebteen kooxda Getafe.

 

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Real Madrid iyo Getafe ee kulankii Santiago Bernabeu ay guusha ku gaadhay Real Madrid waxaana qiimayntan lagu ogaadaa bandhiga ciyaartoydu sida uu u kala duwanaa.

Xidigii Garoonka: Cristiano Ronaldo ayaa markale noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa wuxuuna muujiyay sida uu muhiim ugu yahay Los Blancos marka uu garoonka ku dhex jiro. Real Madrid ayaa ah koox ka duwan marka uu Ronaldo ka maqan yahay iyo marka uu kooxdeeda qayb ka yahay. Ronaldo ayaa dhaliyay labada gool ee kooxdiisa kalsoonida buuxda u siiyay in ay Getafe garaacdo.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa kulankan ku gaadhay goolkiisii 300 aad ee La Liga wuxuuna noqday xidiga afraad ee abid hal koox oo ka mid ah shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn goolasha ugu badan uga soo dhaliyay horyaal.

Xidigaha Abid Hal Koox Oo Shanta Horyaal Ee Yurub Ka Tirsan U Soo Dhaliyay Goolasha Ugu Badan Ee Horyaal Ah:

372 Gool- Lionel Messi – Barcelona (408 kulan)

365 Gerd Muller – Bayern (427 kulan)

310 Dixie Dean – Everton (362 kulan)

301 Cristiano Ronaldo – Real Madrid (286 kulan)

Marka laga yimaado xidiga garoonka ee Ronaldo waxaa sidoo kale kulankan qiimayn fiican ka helay Gareth Bale oo dagaal ugu jira in uu si buuxda ugu soo laabto shaxda Zidane wuxuuna muujiyay in uu booskiisa kula dagaalami karo Marco Asensio.

Waxaa kulankan si buuxda ugu fashilmay Loic Remy oo kooxda Getafe kaadhka cas ka qaatay labadii daqiiqo ee ugu horeeyay qaybtii labaad kaas oo helay qimaynta ugu liidata ee kulankan.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA KOOXAHA REAL MADRID IYO GETAFE:

Real Madrid: Navas (6), Carvajal (6), Sergio Ramos (6), Nacho (7), Ronaldo (8), Benzema (7), Bale (8), Casemiro (7), Theo (6), Llorente (7), Isco (7)

Badalkii: Asensio (6), Kovacic (7), Marcelo (7)

Getafe: Martinez (6), Djene (7), Antunes (6), Bruno (7), Angel (7), Remy (4), Portillo (6), Mora (6), Arambarri (7), Fajr (7), Damian (7)

Badalkii: Molina (7), Pacheco (7), Shibasaki (6)