Qiimeynta Kulankii Ay Arsenal Garoonkeeda Emirates Stadium Ku Xasuuqday CSKA Moscow – Yaa Noqday Xiddiga Garoonka? Yaase Ugu Liitay?

Arsenal ayaa xalay guul raaxo leh gaartay markii ay Emirates Stadium ku marti soortay kooxda CSKA Moscow kulan ka tirsna wareega quarter final-ka koobka UEFA Europa Legaue, waxeyna durba hal lug la galeen Semi Final-ka tartanka.

Gunners waxey muujiyeen awood muuqata markii ay 4-1 kaga taqaluseen kooxda reer Russia oo marti ku aheyd Ingiriiska, waxeyna aheyd ciyaar uu gabi ahaanba gacanta ku hayay Mesut Ozil oo afarta gool ku lug yeeshay.

Aaron Ramsey ayaa ka yaabsaday dadka oo dhan kadib markii uu gool cajaa’ib leh dhaliyay markii uu caawinaad ka helay Mesut Ozil, sidoo kale gool kale ayuu raacsaday halka Alexandre Lacazette isna uu dhaliyay laba gool.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOX:

Arsenal: Cech (6), Bellerin (7), Mustafi (7), Koscielny (6), Monreal (7), Xhaka (6), Wilshere (6), Ramsey (8), Ozil (9), Mkhitaryan (7), Lacazette (8).

Subs: Elneny (6), Iwobi (6), Welbeck (6)

CSKA Moscow: Akinfeev (6), Shchennikov (6), A Berezutski (6), V Berezutski (6), Ignashevich (6), Kuchaev (6), Natcho (6), Dzagoev (6), Golovin (7), Musa (6), Wernbloom (6).

Badalka: Milinov (6), Vitinho (6)

Xidiga Groonka: Mesut Ozil

Kubad sameeyaha jarmalka ah ayaaa noqday xiddiga ugu fiican garoonka maadama uu sadex gool caawiyay, goolka rigoorada ahna isaga lagu galay taasoo ka dhigan inuu qabtay shaqada ugu badan ee garoonka.

Gunners waxey si weyn xoogga u saareysaa tartanka Europa League iyadoo u aragta wadada kaliya ee ay kusoo aadi karto Champions League xilli ciyaareedka soo aadan maadama ay aad uga fogtahay afarta sare.