Qiimeynta Kulankii Ay Barcelona & Real Madrid Barbaraha Ku Kala Tageen Xalay, Yaa Noqday Xiddiga Garonka? Yaase Ugu Liitay?

Barcelona iyo Real Madrid ayaa xalay ku ciyaaray garoonka Camp Nou kulank ujeedka Los Blancos uu ahaa iney soo afjarto rikoorka guuldaro la’aanta ah horyaalka La Liga ee Balaugrana.

Barbaro ayey ku kala baxeen labada kooxood xilli Barcelona ay qeybt dambe ee kulanka ku ciyaarta 10-ciyaartoy maadaama garoonka laga saaray dhamaadka qeybta hore Sergi Roberto oo qalad ka galay Marcelo.

Luis Suarez iyo Lionel Messi ayaa shabaqa soo taabtay, balse waxey laba jawaabood ka kala heleen Cristiano Ronaldo & Gareth Bale, taasoo ka dhigtay in kooxda caaimadda ka dhisan ay ku fashilantay ujeedkii ahaa iney guuldaro bido dhigeeda.

Hillinka Sky Sports ayaana qiimeyn ku sameeyay ciyaartoyd iyadoo Ronaldo uu qeybtii labaad ee ciyaarta isaga baxay maadaama uu xanuun daran dareemay.

YAA NOQDAY XIDDIGA GAROONKA?

Lionel Messi ayey Sky Sports u garteen inuu yahay xiddiga ugu fiican kulanka, xiddiga reer Argentina wuxuu helay qiimeyn dhan 8/10..

YAA UGU LIITAY?

Ciyaartoy badan ayaa aruursatay qiimeynta ugu hooseysay kulanka 5/10, waxaana ka mid ah Coutinho, Stegen, Alcacer, Kovacic, Vazquez, Asensio, Nacho

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA:

Barcelona: Ter Stegen (5), Roberto (7), Pique (6), Umtiti (6), Alba (6), Rakitic (6), Busquets (6), Iniesta (6), Coutinho (5), Messi (8), Luis Suarez (7)

Badal: Semedo (6), Paulinho (5), Alcacer (5)

Real Madrid: Navas (6), Nacho (5), Varane (6), Ramos (6), Marcelo (6), Casemiro (6), Kroos (6), Modric (6), Bale (7), Ronaldo (6), Benzema (6)

Badal: Asensio (5), Vazquez (5), Kovacic (5)