Qiimeynta Kulankii Ay Liverpool Garoonkeeda Anfield Ku Xasuuqday As Roma – Yaa Noqday Xiddiga Garoonka? Yaase Ugu Liitay?

Liverpool ayaa xalay talaabo weyn u qaaday final-ka koobka horyaalada yurub, kadib markii ay nus darsan goolal u dhaw ku xauuqeen kooxda As Roma ee dalka talyaaniga, waxeyna kaga mahad celineysaa goolasheeda sadexleyda weerar ee MSF – Mane, Salah iyo Firmino.

Reds waxey hal lug la gashay sida la fahamsan yahay finalka lagu qaban doono Kiev – hadii aysan qabsan mucjiso la mid ah midii Barcelona ku qabsatay garoonka Olympico ee caasimadda dalka talyaaniga.

Kulankii xalay wuxuu ahaa mid ay wiilasha Jurgen Klopp sameeyeen xirfad dheeri ah oo ay kaga awood bateen dhigooda iyadoo Salah uu laba gool ku ciqaabay kooxdisii hore As Roma.

Yaa Noqday Xiddiga Garoonka?

Mohamed Salah: Weeraryahanka Liverpool wuxuu helay 9/10 waana qiimeynta ugu badan oo uu helay xidig ka tirsan ciyaartii Anfied. Wuxuu sameeyay wax walba isagoo laba gool oo si fiican kooxdiisa u caawiyay dhaliyay.

Yaa Ugu Liitay Ciyaarta?

Juan Jesus iyo Gengiz ayaa ahaa labada xidig ee ugu liitay ciyaarta maadaama ay heleen qiimeyn dhan 5/10 – wax badan garoonka kama sameyn sidaas darteed waxey heleen qiimeyn midda ugu liidata dhamaan ciyaartoydii kulanka ku lug yeeshay.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA KULANKA:

Liverpool: Karius (6), Alexander-Arnold (8), Lovren (6), van Dijk (8), Robertson (7), Oxlade-Chamberlain (6), Henderson (8), Milner (8), Salah (9), Firmino (8), Mane (7).

Badaka: Wijnaldum (7), Klavan (N/A), Ings, (6).

Roma: Alisson (6), Fazio (6), Manolas (5), Juan Jesus (5), Florenzi (6), De Rossi (6), Strootman (6), Kolarov (6), Cengiz (5), Nainggolan (6), Dzeko (7).

Badalka: Perotti (7), Schick (7), Gonalons (6).