Qiimeynta Kulankii Ay Real Madrid Xalay Guusha Kasoo Qaadatay Bayern Munich – Yaa Noqday Xiddiga Garoonka? Yaase Ugu Liitay?

Real Madrid ayaa gaartay guul muhiim ah kulan ay Allianz Arena ugu martisay kooxda Bayern Munich kulan ka tirsan Semi Finalka tartanka Champions League, waxeyna ka dhigan tahay iney hal lug la gashay finalka tartanka ee lagu qaban doono Kiev.

Madrid waxaey u socotaa iney hanato koobkii 13-aad ee Champions League iyo midkii sadexaad oo xiriir ah, balse xalay Bayern oo bandhig wanaagsan soo bandhigtay ayey guul ka heleen markii Asensio iyo Marcelo ay jawaab u noqdeen gool uu dhaliyay Joshua Kimmich.

Bayern kulankii xalay waxey dhaawacyo ku weysay oo ciyaarta ka baxay Boateng iyo Arjen Robben kuwaas oo kusoo bilowday halka dhanka Madrid laga saaray ciyaarta Isco oo ciyaarta waxba ka fahmi waayay qeybtii hore.

Yaa Noqday Xiddiga Garoonka?

Franck Ribery ayaa noqday xiddiga garoonka kaas oo aan wax gool ah dhalin balse si fiican u shaqeeyay kulankii xalay walow uu kooxdiisa ka badbaadin waayay guuldaro, wuxuu helay qiimeyn dhan 8/10 – mana jiro xidig helay qiimeyn la mid ah sida lagu daabacay Sky Sports.

Yaa Ugu Liitay?

Dhawr ciyaartoy ayaa helay qiimeyn liidata oo 5/10 – waxaana ka mid ah Ronaldo, Isco, Tolisso iyo Kovacic.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA:

Bayern Munich: Ulreich (7), Kimmich (7), Hummels (7), Boateng (6), Rafinha (6), Rodriguez (7), Martinez (6), Robben (n/a), Muller (7), Ribery (8), Lewandowski (6).

Badalka: Thiago (6), Sule (6), Tolisso (5).

Real Madrid: Navas (7), Carvajal (6), Ramos (7), Varane (7), Marcelo (6), Casemiro (7), Kroos 6), Modric (7), Vasquez (6), Ronaldo (5), Isco (5).

Badalka: Asensio (7), Benzema (6), Kovacic (5).