QM iyo Wasaaradda Gashaandhiga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta xarunta wasaaradda gaashaandhigga kulan kula qaatay ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Wasiir Cabduqadir Maxamed Nuur iyo Anita Kiki Gbeho ayaa waxay kulankooda uga wada hadleen xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen  sidii la isaga kaashan lahaa fulinta qorshayaasha hortabinta u leh Wasaaradda Gaashaandhigga.

  1. Kulanka waxaa ku sugnaa agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaandhigga iyo la-taliyaal ka tirsan xafiiska wasiirka.