QM Oo Beesha Caalamka ugu Baaqday In Si Adag Loola Xisaabtamo Maalgeliyayaasha Al-Shabaab

Guddoomiyaha Xilligan ee Golaha Ammaanka ee QM, Ambassador Gustavo Meza-Cuadra ayaa ku baaqay in Tallaabo laga qaado Malgeliyayaasha Alshabaab ee ku sugan Caalamka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadal-qoraaal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in dhamaan Dowladaha Caalamka inay Somalia kala shaqeeyaan sidii loola xisaabtami lahaa dadkii ka mas’uulka ahaa Weerarkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay hoosta ka xariiqeen  baahida loo qabo in Eedeysanayaasha, Xubnaha iyo Maalgeliyayaasha ee  mas’uulka ka ah dilkaasi la hor keeno Caddaaladda” ayuu yiri Guddoomiyaha Xilligan ee Golaha Ammaanka ee QM, Gustavo Meza-Cuadra,

Waxa uu intaasi ku daray  inay Golaha Ammaanka QM cambaareeynayaan  weerarkii Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka AMISOM ee Deegaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose, oo lagu dilay, laguna dhaawacay  Tobaneeyo Askari Ugandese ah