QM oo ku baaqsay in Puntland & Soomaaliland Ay kawada hadleen Xiisadaha udhexeeye

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabisan Soomaaliya Amb, James Swan ayaa kulan uu Madaxtooyada Puntland uu kula qaatay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qodobadii ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xiisada u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland.

Xiisadaas oo dhowr mar gacan ka hadal isku bedeshay ayaa waxaa ay ka jirtaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag,waxaana jirta Ciidamo weli isku hor-fadhiya deegaanadii lagu dagaalamay ee labadaasi gobol.

James Swan Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabisan Soomaaliya ayaa ugu baaqay labada maamul ee isku haya goboladaas inay wax walba wahadal ku raadiyaan,isla markaana ay joojiyaan xiisada u dhaxeysa.

“Qaramada Mioobay waxa ay aad uga xun tahay colaada u dhaxeysa Soomaaliland & Puntland ee ka taagan Gobolada Sool iyo Sanaag,waxan ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Somaliland inay wadahadal ku xaliyaan khilaafka u dhexeeya ee gobolada Sool iyo Sanaag.”ayuu yiri James Swan.

Colaada u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa soo jiitameysay dhowrkii sano ee ugu dambeysay,waxana horay u jirtay in dhowr uu isku dayay in uu xaliyo Wakiilkii hore ee Qaramada Mioobay u qaabilsanaa Arrimaha Soomaaliya ee Nicholas Haysom balse uusan ku guuleysan.