QM Oo Sheegtay dib u billaabaysa soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab

Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday in ay sii kordheen Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay ka baxaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya kuna laabtaan Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Warbixin  kasoo baxday UNHCR ayaa lagu sheegay inay rajeynayaan in Dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan Xeryaha Dhadhaab ay Dalkooda dib ugu celiyaan Bilaha soo socda, markii ay iyaga sidaasi codsadeen.

“Gaadiidkii Dadkaan qaadi lahaa ayaannu diyaarinaynaa, waxaanan rajeynaynaa in Dadka doonaya inay Dalkooda ku laabtaan ay kordhaan,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda UNHCR.

Hay’adda ayaa Sidoo kale sheegtay in tan iyo Bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku laabteen 1,315 Qaxooti ah, kuwaasoo iskood u doortay inay Dalkooda dib ugu laabtaan.

Tallaabadani lagu daabulayo Qaxootiga ayaa ah mid ku xiran dib u furidda Waddada laga soo galo xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Magaalooyinka Libooya Kenya iyo Dhoobleey Soomaaliya.

Xuduudda kala qaybisa Labada magaalo ayaa xirnayd muddo Sanad ku dhow, sababo la xiriira nabadgelyo-xumo iyo Roobab culus, iyadoo dib-u-dhac uu ku yimid marinnadii hawada ee lagu soo gaarsiinayay Dadkan Soomaaliya.

Sanadii 2014-kii ayay ahayd markii ay hay’adda UNHCR, Kenya iyo Dowladda Soomaaliya  heshiis Saddex geesood ah ku gaareen in dib loo soo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab.