QM oo Sheegtay in Ay kawalaac santahay xaalad nafaqa darro oo ku soo wajahan caruurta Soomaaliyeed

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa ka digtay in caruur kor u dhaafaysa 1.25 Milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an sanadkan, sababo la xiriira fatahaadihii ka dhacay Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo, Stephane Dujarric oo Jimcihii shalay saxaafadda siinayay warbixinta joogtada ah ee daadadka tan iyo Bishii April ee sanadkan ayaa sheegay inay jirto halis nafaqa darro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hay’addu ay ogaatay in kala bar caruurta ay da’doodu ka yar tahay Shan jir oo ah in ka badan 1,25 Milyan ay wajahayaan sanadkan xaalad nafaqo darro, waxaana dadkaasi ka mid ah, 232,000 caruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an, kuwaas oo u baahan daryeel gaar ah.

Goobihii ay ka dhaceen daadadka ayaa laga baqdin qabaa inay ka dilaacaan cudurrada halista ah sida Jadeecada, Shuban Biyoodka iyo Daacuunka , kuwaas oo meelaha qaarba laga helay kiisaskooda balse lala tacaalay.

Daadadka ka dhacay Soomaaliya ayaa waxyeeleeyay xarumahii fayadhowrka, 22 xarun oo lagu nafaqaynayay 6,000 oo Carruur barakacayaal ah, iyagoo sababay inay xirmaan goobo badan oo lagu nafaqaynayay dhallaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa barnaamijka lagu gargaarayo Dadka ay waxyeellada ka soo gaartay fatahaaddu, waxanay Wasaaradda Caafimaadka geysay Dawo loogu tala galay in wax lagaga qabto cudurada ka dillaaca goobaha ay ka dhaceen fatahaadda iyo daadadka.