QM oo Warbixin kasoo saartay Yemeniniinta Dalal Soomaaliya ay kamid tahay sanadkaan gaaray.

 Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ayaa tiro koob ay soo saartay waxa ay kusoo bandhigtay tirada dadka u dhashay Yemen ee Qaxooti ahaanta u galay Wadamada ay kamid tahay Soomaaliya saddexdaan bilood ee sanadkan 2018-ka.

Tirada dadkaan waxa ay Qaramada Midoobe ku sheegtay in ay ka badan yihiin qoysaskii bilawgii sanadkii 2015-kii soo galay Soomaaliya, waxaaana waqtigaas jiray Dagaalo Xooggan oo ka dhacay Yemen.

Farxaan Xaq u qaabilsanaha Xoghaha Guud ee Qaramada Midoobe arrimaha Yemen oo Warbaahinta Maanta oo Jimco ah la hadlay ayaa sheegay in Dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Croatia ay gaareen in badan 660 (Lex Boqol) qoys.

Waxa uu si gaar ah u sheegay in ay Soomaaliya soo galeen 160 (Boqol iyo Lexdan) qoys, kuwaa oo todobaadyadii lasoo dhaafay kusoo galay safar dhanka biyaha Xeebaha ah.

Farxaan ayaa tilmaamay in ay jiraan Yemeniyiin kale oo wadamada Khaliifka gaaray, inkastoo uu sheegay in aysan ka heyn tiro koob rasmi ah, balse lagu qiyaasay 2,660 (Labo kun, Lex boqo iyo Lexdan) qoys.

“Tan iyo Markii ay xoogeysteen Dagaalada aan dhamaadka laheyn ee Yemen ka jira, waxaa guud ahaan gudaha iyo dibadda ugu barakacday dad kor u dhaafaya 10,000 (Toban kun) oo qoys, waxaana jira wali dad aanan barakicin balse qarka u saaran” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobe ee Yemen.

Marka laga soo bilaabo Bishii Maarso sanadkii 2015-kii Yemen kama jirin Siyaasad Sal fadhisa, sidoo kalana dadka ma heysan Xasilooni, mana heleen gargaar ku filan oo gaarayay.

Arrinta Yemen ayaa sii cakirantay tan iyo markii la dilay Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo kooxda Xuutiyiinta ay dileen 4-tii December sanadkii tagay 2017.

Yemen waxaa kunool Soomaali badi dalkaasi gaartay wixii ka dambeeyay Bur-burkii Dowladii dhexe ee dalka, waxaana Saameeyay Dagaaladii Yemen ee kasoo bilawday Kacdooyinkii lagu riday Madaxweyne Saalax