Qodobada Ay Kawada Hadli Doonaan Madaxweyne Farmaajo & Dhigiisa Talyaaniga

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmia ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa waxa uu kulan la qaadan doonaa dhigiisa dalkaas iyo madax kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in Gelinka dambe ee Maanta oo Arbaco ah in uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan Talyaaniga,isaga oo kala hadli doona xaalada ay ku nool yihiin iyo horumarada ay gaartay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa 22 Bishaan oo ah Maalinta Berito ah ayaa waxa uu la kulmi doonaa Guddomiyaha Aqalka Sare ee dalka Talyaaniga Gabadha lagu Magacaabo Maria Maria Elisabetta.

Maalinta ugu dambeysa ee booqahsada Madaxweyne Farmaajo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa waxa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha dalkaasi Talyaaniga Sergio Mattarella,waxaana ay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maalinta Khamiista ah Gelinka dambe waxa uu soo geba gabeyn doonaa booqashadii uu ku joogay dalka Talyaaniga.