Qodobada Looga Hadli Doono Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Ee Garoowe

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socdo ee Axada Maanta ah taariikhduna ku beegan tahay 21/10/2018 in uu ka furmo shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Shirkaan ayaa baaqday 10-kii Bishaan waxaana Magalada Garoowe ku sugan oo shalay gaaray Madaxweynayaasha Maamulada,Jubbaland,Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo shirka martigelinaya,waxaana ka maqan Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo horay u qaadacay shirarka ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada.

Shirka ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada waxa ay uga hadlo doonaan xaalada dalka ee dhinacyada Amniga iuo Siyaasada,waxaana lagu wadaa in geba gabada qodobo ay shirkaasi ka soo saaraan.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada  ayaa weli taagan,waxaana Guddoomiyaha Aqalka Sare uu Madaxda ugu sareysa dalka uu mudo saddex Maalmood ah u qabtay inay uga soo jawaabaan aqbalida dhex dhexaadinta Aqalka Sare.
AKHRISO