Qof lagu Dilay Degmada Wadajir

Rag hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta barqadii Degmada Wadajir waxa ay ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Tima Jilic oo la sheegay inuu ahaa tababare ciidanka dowladda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Maxamed Tima Jilic ay ku dileen Degmada Wadajir, raggii ka dambeeyay dilkiisana ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen.

Waxa ay sheegeen Shabaab Maxamed Tima Jilic inuu ahaa Macalin dhanka tababarada u qaabilsan ciidamada Militariga dowladda Federalka Somaliya.

Ka sokoow hadalka sheegashada Shabaab ma jirto ilo ka madax banaan Ururka Al Shabaab oo xaqiijinaya ruuxa la dilay inuu ahaa nin macalin ah oo ciidamada dowladda tababari jiray.

Dhalinyarada amniyaadka Ururka Al Shabaab ayaa dilal qorsheysan waxa ay ka gaystaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.