Qof Meyd Ah Oo Laga Helay War Ku Taalla Magalada Hargeysa+SAWIRO

Ciidamada Dabdamiska maamulka Somaliland ayaa ku guuleystay in ay soo bixiyaan ruux Meyd ah oo uu laqay Balli ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Hal Qof oo Joogay Goobtaas ayaa Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ku Soo wargeliyay balse Qofkaas ayaa Ciidanka Dabdemiska u soo sheegay wakhti Dambe oo aanay suuragal ahayn in lagu Gaaro Nolol.

Taliyaha ciidamada Dabdemiska Somaliland ayaa sheegay in ruuxaasi ay soo heeleen Meydkiisa,islamarkaana uu ku dhintay balliga xilli uu ku dabaalanaayay.

 Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka da’ay roobab Mahiigan ah oo biya dhigay inta badan Hareeraha Wadooyinka.

Dhawaan ayay aheyd Markii dad ay daadad la tageen Bali yaalla Somaliland, waxaana dhintay hal ruux, iyadoona sidoo kale lasoo badbaadiyay 2 qof oo kale.

HOOS KADAAWO SAWIRADA Â