Qof Shacab ah oo lagu dilay Kismaanyo

Wararka laga helayo Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidkii halkaasi lagu dilay Nin la sheegay in uu ahaa Shacab.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Kiboora ee magaaladaasi,waxaana la sheegay in dilkaasi uu ka dambeeyay mid ka mid ah Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Kismaayo.

Qaar ka mid ah Ehelada qofka Shacbaka ah ee la dilay ayaa Goobta ka qaaday meydka, iyaga oo geeyay Isbitaalka Weyn ee Magalada Kismaayo,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in askarigii dilka geystay uu baxsaday.

Lama oga sababta askarigaas uu u dilay qofka Shacabka ah iyo waxa dhexmaray,waxaana uu ku soo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay Kismayo ka dhaceen falal amni darro, isla markaana lagu dilay labada Nabadoon oo Caan ka ahaa deegaannada Jubbaland.

Hay’adaha Amniga Jubbaland weli dhankooda kama hadlin dilka xalay fiidkii qofka Shacabka ah loogu geystay Kismaayo,waxaana dhawaan Madaxweynaha Jubbaland uu ku amray hay’adaha Maamulkaas inay dardar geliyaan sugida Amniga.