Qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ayaa shalay lagu aasay gobalka Minnesota ee ay Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ay ku noolyihiin kadib markii uu u geeriyooday cudurka COVID-19.
Marxuumka ayaa lagu magacaabay Xaaji Saalax Cabdalla Maxamed oo 86 jir ahaa, islamarkaana qabay xanuuno kale, sida uu xaqiijiyey wiil uu dhalay.
- Mareykanka ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka uu sidaweyn u saameeyey Cudurka Coronavirus,waxaana maalin walba ku dhinta kumanaan qof.