Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhagax dhigay dhismaha Xarunta ama Xafiiska Howlgalinta Mashruuca NAGAAD oo Dib Udhisa Ama ka shaqeeya Dib Udhiska Wadooyinka iyo Bilicda Magaalooyinka.
Madaxweynaha Ayaa Waxaa Dhagax-Dhigaan ku Wehlinayay Masuuliyiin Kamid ah Labada Gole ee Baarlamaanka Galmudug,Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud,Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Geeda-Qorow iyo Masuuliyiin kale.
War-kasoo Baxay Madaxtooyada Galmudug Ayaa Lagu Sheegay in Xafiiskaan uu Maamuli Doono 11-Wado oo Caasimada Dhexdeeda Mara,Laami Wayn oo Labo Qayb ah,Wado ka Timaada Garoonka Diyaaradaha iyo Wado Laami ah oo Marta Galbeedka Magaalada Caasimada ah.




