Qoor Qoor Oo kormeer ku tegay deegaano katirsan G/mudug

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa booqasho kooban ku tagay deegaanada Wargalo iyo Gal-barwaqo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Booqashadan oo qeyb ka ah safarka nabadda ee uu Madaxweynuhu ku marayay deegaanada Galmudug ayuu ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyeey deegaanada Wargalo iyo Gal-barwaaqo.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha amni,caafimaad iyo waxbarasho ayaa waxa uu dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo Hospital iyo Dugsi Waxbarasho ee uu yeelanayo deegaanka Gal-barwaaqo.