Qoor Qoor Oo kulamo la leh bulshada Deeganka dhabad

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Dhabad ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada ku dhaqan Magaaladaas.

Kulamada ayaa waxaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyo kusoo laab laabtay degaankaas,kuwaas oo u dhaxeeyo labada beelood oo isku heysta dhul ku yaalla degaankaas.

Odayaasha Dhaqanka degaanka Dhabad ayaa codsaday in Magalada gelinsoor lagu qabto Shir dib u heshisiin ah si xal waara looga gaaro colaad Beeleedyada soo laab laabtay,waxaana warraka la helayo ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug uu aqbalay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta uu gaarao degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud,halkaas oo ay ka socdaan diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntiisa.