Qoor Qoor oo lagu Soo dhoweyay Beydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kusoo dhoweyey wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Wafdi oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb, ayaa halkaasi u tegay ka qeybgalka Shirka iskaashiga iyo wadatashiga Dowlad Goboleedyada Hirshabeele,Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo goordhow Magaalada Baydhabo ka furmaya.

Madaxda Maanta shirka ku yeelanayo Baydhabo ayaa isla maanta waxaa ay soo gaarayaan Muqdisho, iyagoona kulan gaar ah la qaadan doono Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka tirsan Beesha Caalamka.