Madaxweynaha xilka ka degaya ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), oo ku guuleystay doorashadii hoggaanka cusub ee maamulka, taas oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Qoorqoor ayaa hoggaanka cusub ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen doorashada, isaga oo Alle uga baryay inuu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, kuna garab galo waajibaadka ay u hayaan shacabka reer Galmudug.
Sidoo kale, madaxweynaha xilka ka degaya ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug inay garab istaagaan hoggaanka cusub, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta midnimada, dib-u-heshiisiinta, nabadda iyo horumarka deegaanada maamulka.
Qoorqoor ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo wadajirka bulshada, lana sii ambaqaado dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo horumarka Galmudug, si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan shacabka maamulka.
Hambalyada Qoorqoor ayaa timid kaddib markii Golaha Wakiillada Galmudug ay magaalada Dhuusamareeb ku doorteen hoggaanka cusub ee maamulka, kaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda hoggaaminta Galmudug muddada shanta sano ee soo socota.