Qoorqoor oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha maamulka Galmuudg, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku naf waayay iyo inta ku dhaawacantay weerarkii bahalnimada ahaa ee kooxda argagixisadu ku qaadeen hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago dadka xaaladaha degdega ah ku jira, oo la tago isbitaalada si dhiig loogu caawiyo, waxuuna Eebbe uga baryay in uu u booga dhayo inta dhaawacantay, inta dhimatayna uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa.9