Qorshaha Man United Ay Ku Aadeyso Dalka Mareykanka Xilliga Fasaxa Oo La Xaqiijiyay & Faah-Faahin Laga Bixiyay Kulamada Ay Ciyaari Doono.

Manchester United ayaa ku dhawaaqday iney booqaneyso Mareykanka xilliga fasaxa ee ka hor xilli ciyaareedka soo aadan, waxeyna halkaas ku ciyaari doontaa kulamo kala duwan iyo tartamo kala gaar ah.

Jose Mourinho ayaa mar kale aadaya qaaradda waqooyiga America halkaas oo ay ku ciyaari doonaan koobka International Championship Cup iyagoo ka hortagi doona kooxo waaweyn oo yurub ah.

Balse sidoo kale waxey ku dhawaaqday Red Devils iney ciyaari doonto kulamo kale oo ay wajahi doonto kooxaha deegaanka, waxaa la xaqiijiyay iney u safri doonto Phoenix University Stadium, July 19 iyadoo la ciyaari doonta kooxda Club America.

Intaas waxaa sii dheer iney Levi’s Stadium ee ku yaala Santa Clara kula ciyaari doonto kooxda San Jose Earthquakes, 22-ka July, waana garoon ay Real Madrid kula ciyaartay xagaagii lasoo dhaafay.

Tartanka International Championship Cup waxaa la xaqiijin doonaa isbuuca dambe, iyadoo lasii ogyahay in Man United ay la ciyaari doonto Liverpool kulan ka dhici doona garoonka ugu weyn aduunka.

Michigan Stadium oo loo yaqaanno ‘The Big House’ ayey labada kooxood ee ugu guulaha badan England isku arki doonaan, wuxuuna qaadaa 107,000 kun oo taageerayaal ah markiiba.

Waxey noqoneysaa markii labaad oo ay Red Devils garoonkaas ku ciyaarto iyadoo afar sano ka hor kula cyaarta Real Madrid.