Qowmiyadaha Somaalida iyo oromada Oo laheshiisinayo

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay dagaalka Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Wuxuu sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo heshiisiin lahaa islamarkaana loo dhameyn lahaa colaada u dhaxeysa labada Qowmiyadood, wuxuu sheegay inuu ka hortagayo dagaal dambe oo degaanka ka dhaca.

Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya inuu soo dhaweynayo mucaaradka wax dhisaya, cid walbana ay xaq u leedahay inay fikirkeeda ka hadasho.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa midnimada shacabka, waan bilawnay inaan hawshaas ka shaqeysano, cidii heysa fikir keena ka duwan waan soo dhaweyneynaa, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan u mideyn laheyn shacabka”. Ayuu yiri Madaxweyne Mustaf.