Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo dagaal ku dhexmaray degaanka Tulli Guuleed

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya  dagaal ayaa mar kale maanta ka qarxay agagaarka Degaanka Tulli Guuleed.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeya laba jifo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo uu iska hor imaad ku dhex marayay dhawaanahan meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga.

Degaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jinacsani ee ay Orommadu degto.

Ku dhawaad 30 ruux oo labada dhinac ka kala tirsan ayaa ku dhimatay saddexdii asbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay degaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.

Wali ma cadda khasaaraha nafeed iyo midka maal ee ka dhashay