Qoysas iskugu jira danyar iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah, oo ku nool D/Guriceel ee Gobolka Galgaduud, oo lasoo gaarsiiyey deeq raashin.

Ayada oo Maalmo kooban naga xigto Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa 80 Qoys oo iskugu jira danyar iyo kuwa qaba baahiyaha gaarka ah oo ku nool D/Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa lasoo gaarsiiyey deeq raashin ah kana timid hay,ada Golobal giving, waxaana fulisay oo wakiil uga ahayd Hay,ada Agro-Pastoral Charity Organization (APCO) oo ay bahwadaag yihiin, deeqdaan ayaa ka koobnayd Bur, Bariis, Sonkor, Saliid, Timir, Caano iyo Caleen taasi oo wax weyn ka tari doono baahiyaha qoysaskaan.

Qaar ka mid ah Bulshadii ka faa,iideysatay deeqdaan ayaa uga mahadceliyey hay,ada APCO iyo cidwaliba oo ka qeyb qaadatay in lasoo gaarsiiyo.

C/laahi Nuur Cilmi oo ka mid ah howl wadeenada sare ee Hay,ada APCO ayaa ka warbixiyey, deeqdaan halka ay ka timid, qoysaska ka faa,iideystay iyo si loo soo xulay dadkaan ka faa,iideystay, dhanka kale waxa uu xusay in Maalmo kooban naga xigto Bisha Barakeysan ee Ramadaan wax badane ay ka badali doonto noloshooda, waxa uuna u mahadceliyey Hay,ada Golobal giving oo soo gaarsiisay dadkaan raashinkaan.

Bulshada Soomaaliyeed kuwooda danyarta ah iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool miyi iyo magaalo waxa ay yihiin kuwa u nugul xiligaan adag ee isku darsaday, suuq la,aanta xolaha, ciri bararka maciishada iyo abaarta daba dheeraatay, ayadoo xusid mudan tahay in maalmo kooban naga xigaan bisha barakeysan ee Ramadaan, waxa ay u baahan yihiin garab istaag iyo ka warqab si hoose ah, oo la xariirta nolasha qoysaskooda, waxa ay taageero uga baahan yihiin bulshada kuwooda wax haysta oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada, Jaaliyadaha, Hay,adaha kheyriga ah iyo Dowlada.