Qoyska Marxuum Soomaali Oo Lagu Dilay Kanada Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Boliska Ottawa.

Iyadoo 2 sanno ka wareegtay markii ay Boliska ka hawl gala Caasimadda dalkaasi ee Ottawa dileen Marxuum la oran jirey C/raxmaan Cabdi ayaa waxay dacwad ku soo oogeen 2-dii Askar ee dilka geysatay iyo Taliyaha Boliska Ottawa, waxayna Qoyskaasi codsadeen Magdhow Lacageed oo dhan 1.5 million oo Dollar.

Dacwadaasi waxaa bishan July 17-dii loo gudbiyey Maxkamadda Ottawa, iyadoo 8 xubnood oo ka tirsan Qoyska Marxuumka sheegeen inay dhibaato dhimirka ah kala kulmeen dhacdadii lagu dilay Marxuumkaasi sannadkii 2016-kii.

Waxay kaloo doonayaan in la siiyo lacag dhan 500,000 oo Dollar oo khasaarihii ciqaabeed ee dhacay iyo in qof kasta oo ka mid ah Qoyska ku saxiixan dacwadda la siiyo  lacago.

Dacwad-oogistan waxaa si rasmi ahaan loo shaaciyey maalintii shalay oo Talaado ahayd, iyadoo ay xubno ka tirsan Qoyska Marxuumka iyo Jaalliyadda Somali-Canadian-ka shalay isugu tageen meel ku dhow halkii lagu dilay Marxuumka sannadkii 2016-kii.

Qareenka Qoyska Marxuumka oo lagu magacaabo Lawrence Greenspon waxa u urajo ka muujiyey Dacwadaasi, isagoo sheegay in la  aqoonsan doono qaladka falalka sharci-darradda ee ay ku kaceen 2-da Askari ee loo aaneynayo inay Marxuumka u geysteen dhaawacyadii uu u geeriyooday.

Dhinaca kale, Isbahaysi loogu magac daray “Isbaysiga Caddaaladda ee C/raxmaan “ waxay shalay ku dhawaaqeen inay samaynayaan Deeq Waxbarasho oo lagu xasuusanayo magaca Marxuumka ah, sida ay sheegtay Ifraax Yuusuf oo xubin ka ah Isbahaysiga Caddaaladda.

Deeqdaasi Waxbarasho oo la siin doono Ardayda Madow ee ku nool Ottawa waxaa loogu magac  daray Deeda W/barshadda ee C/raxmaan Cabdi ee Caddaaladda Mujtamaca (The Abdirahman Abdi Scholarship for Social Justice).

Taabagelinta Deeqdaasi oo la bilaaban doonta sannadka soo socda waxaa sannad kasta loo qoondeeyey in lagu abaal mariyo 2,000 oo Dollar Ardayga sii wata Tacliinta, marka uu ka gudbo Dusgiga Sare.