Qunsulka Guud ee DFS u fadhiya Jiddah iyo sii-hayaha Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Ururka OIC oo booqasho ku tagay qunsuliyadaha dalalka Qadar iyo Cumaan.

Qunsulka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Jiddah ahna sii-hayaha Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa booqasho sharafeed iyo wada-tashi rasmi ah ku tagay qunsuliyadaha guud ee dalalka Qatar iyo Cumaan ee ku yaalla magaalada Jiddah.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed, iskaashiga istiraatiijiga ah iyo wada-shaqeynta dhexmarta Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, gaar ahaan Qatar iyo Cumaan.

Intii uu socday kulanka uu la yeeshay Qunsulka Guud ee Qatar, labada dhinac waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadidda adeegyada qunsuliyadeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo kaalinta ay dowladda Qatar ku leedahay garab istaagga Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka uu la qaatay Qunsulka Guud ee Cumaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha qunsuliyadda, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen is-faham iyo rabitaan buuxa oo lagu sii amba-qaadayo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Qunsulka Guud ee DFS ayaa uga mahadceliyey labada qunsuliyadood soo dhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay sii adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ay la leeyihiin Soomaaliya.